Afhayeenka Isbahaysiga Mucaaradka ee dalkaasi, Xaliifa Saalax ayaa ku booriyey Madaxweyne Yaxye Jamaac inuu xilka si nabad ah ku wareejiyo bishan Janaayo 19-da, iyadoo wixii xilligaasi ka dambeeyo loo aqoonsanayo Muwaadin caadi ah.
Waxa uu intaasi ku daray inuusan Dastuurka Gambia meel kaga qorneyn inuu Yaxye Jaamac sii ahaado Taliyaha Guud ee Ciiddamada dalkaasi.
Madaxweyne Yaxye Jaamac oo Talada dalkaasi hayey muddo 22-sanno ayaa looga guuleystay Doorashadii Madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday bishii December 1-dii ee sannadkii hore.
©Radio Dalsan