Ugu yaraan 50-qof ayaa geeriyootay, Kumanaan kale waa ku guryo belay, kadib, markii uu daanka soo jabsaday Webiga Kalamu, waxayna daadadkaasi waxyeelo u geysteen Dekedda Degmadda Boma.
Qaar ka mid ah maydadka uu daadku qaaday ayaa laga helay gudaha xuduudka dalka Angola.
Guddoomiyaha Gobalja Dhexe ee dalkaasi, Jakwees Mabadu ayaa sheegay inay socdaan Hawlgalo lagu baarayo maydad kale oo laga yaabo inay aasmeen Dhiiqada.
Waxa kaloo uu sheegay inay burbureen ugu yaraan 500 guri, iyadoo ay ku-dhawaad 10-kun oo qof ku guryo beeleen.
©Radio Dalsan