Heshiiskaasi waxaa ka soo wada shaqeeyey Madaxda Dowlada Raashiya iyo Turkiga, waxaana la filayaa inuu Heshiiskaasi ka dhaqan galo guud ahaan dalka Syria.
Madaxweyne Valadamir Putin ayaa sheegay inay Xabbad-joojinta bilaabanayso Saqda dhexe ee caawa, waxaana ku xigi doona Wada-xaajood Nabadeed oo Dowladda Syria iyo Kooxaha Mucaaradka ku yeelan doonaan caasimadda dalka Kazakhistan ee Astana.
Waxa kale oo uu amray in la yareeyo tirada Ciiddanka Raashiya ka jooga Syria, inkastoo uusan sheegin tirada Ciiddanka iyo Hubka ee uu kala bixi doono Syria.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay in Heshiiska Xabbad-joojinta ee lagu dhawaaqay laga saaray Kooxda Daacish iyo Jabhadda Fatax Al-shaam oo horey loo oran jiray Al-Nusra Front.
Dagaalka Syria oo bilowday bishii March ee sannadkii 2011-kii waxaa ku geeriyootay in ka badan 400-kun oo qof, sida uu sheegay Ergayga Gaarka ee QM ee Arrimaha Syria, Staffan de Mistura.
©Radio Dalsan