Dabley hubeysan ayaa la sheegay inay ku-dhawaad 100-qof ku dileen Masraxa The Bataclan Music Hall oo ku yaalla bartamaha magaalladda Paris.
Weeraro kale oo ka dhacay 5 goobood oo ku taalla Paris ayaa la soo weriyey in lagu dilay ku-dhawaad 40-qof.
Labo Is-qarxin ayaa waxa ay kadhacday duleedka Garoonka K/Cagta ee The National Stadium oo ay ka socotay Ciyaar saaxiibtinimo oo dhex maraysay Faransiiska iyo Jarmalka, waxaana ciyaartaasi daawaynayey Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Jarmalka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Faransiiska waxa uu cambaareeyey Weeraradaasi, wuxuuna amray in la wada xiro Xuduudaha dalkaasi iyo inay Kulan Degdeg isugu yimaadaan Golaha Amniga Qaranka Faransiiska.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu Kansal-gareeyey safar uu ku tegi lahaa Turkiga, si uu uga qeyb galo Shir-madaxeedka Dowladaha Horey u maray ee G 20.