Waxaa Maanta Nawaaxiga Taallada Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ka dhacay banaanbax xoogan,kaasi oo ay dhigeen Shacab Careysan.
Dadka dhigayay Banaanbaxa ayaa isugu jira haweyn, Odayaal iyo Caruur,iyagoona aad u Careysanaa.
Sidoo kale qaar kamid ah dadka dhigayay Banaanbaxa ayaa ku qeylinaya Ereyo ay kamid yihiin doonimeyno Doolar Qaate iyo Ereyo kale,waxaana ay ka careysnaayeen  goobo Ganacsi oo ku yaalla Boondheere uu maamulka Degmada Boondheere saakay uu bur buriyay.
Sidoo kale Banaanbaxayaasha ayaa xiray wadada aada dhina Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho,iyagoo ku xiray Bilo iyo dhagxaan.