Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa ugu baaqday Dowladda Norway inaysan Qaxootiga ku sugan dalkeeda dib ugu soo celinin dalka Somalia, isla markaana ay dib uga fekeraan Go’aankaasi.
Codsigaasi ayaa yimid dhowr isbuuc kadib, markii ay Dowladda Norway sheegtay inay Qaxootiga Soomaalida dib loogu soo celin doono dalkooda hooyo.
Wasiirka Socdaalka ee dalkaasi, Sylvi Listhaug ayaa bishii hore shaacisay inay garwaaqsadeen inay xaalladda Somalia haatan soo hagaagtay, isla markaana 1,600 oo Qaxooti Somali oo ku nool Norway laga tirtiri doono Aqoonsigooda Qaxootinimadda.
Wargeyska Dagbladet ee ka soo baxa Norway ayaa qoray inay Hay’adda UNHCR ku dhiiri-gelisay Dowladda Norway inaysan Muwaadiniinta Soomaalida kala laabanin Aqoonsigooda Qaxootinimo.
Qoraal ay Hay’adda UNHCR bishan November 7-da u soo dirtay Dowladda Norway ayey ku sheegtay inaan Go’aankaasi lagu dheelitirin xaalladda Ammaanka ee magaalladda Muqdisho.
Hay’adda UNHCR waxay kaloo sheegtay inay sii socdaan rabshadaha iyo colaadaha ka jira caasimadda Somalia, taasi oo sare u qaadayso heerka Ammaan-xumida.
Qoraalka UNHCR u dirtay Dowladda Norway waxay ku tilmaamtay inuu jiro farqi u dhexeeya Qaxootiga go’aansaday inay iskooda ugu soo laabtaan Somalia iyo kuwa kale ee sida Khasabka iyo juujuubka leh looga soo masaafurinayo Norway.
Labo maalin ka hor inta aan qoraalka UNHCR loo soo dirin Dowladda Norway waxa uu qarax gaari ka dhacay meel ku dhow dhismaha Barlamaanka Somalia ee magaalladda Muqdisho, kaasi oo ay ku geeriyoodeen 20-qof oo ay ku jireen 2 Sarkaal oo ka tirsan Ciiddanka Boliska.
Dhinaca kale, Maamulayaasha dalka Norway ayaa rumeysan inay xaalladda haatan ka jirta magaalladda Muqdisho tahay mid ammaan ah iyo in dadka dib loo celinayo asaas looga dhigo Heshiiska QM ee Arrimaha Qaxootiga (The UN Refugee Convention).
Wargeyska The Local ee ka soo baxa Norway ayaa qoray in Dufcadii ugu horreysay Qaxootiga Soomaalida oo ka kooban 120 qaxooti Soomaali ah lagu wargeliyey in dib loogu celinayo Somalia.
Dadkaasi lagu wargeliyey in la masaafurin doono ayaa ka kooban Qoysas wata carruur yaryar iyo dhallinyaro da’dooda yar tahay, kuwaasi oo aysan wax Waalid la soconin ama u joogin dalka Norway.
©Radio Dalsan