Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Uganda, Sam Kutesa oo ahaa Madaxii Golaha Ammaanka ee QM ayaa sheegay in ay sii kordhayso Xag-jirnimadda ka jirto Qaraadda Afrika.
Isagoo la hadlayey Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa tilmamaay inaysan ahayn inay dalalka si degdeg ah ugu boodaan Xal Milliteri si wax looga qabto Xag-jirnimaadda, iyadoo aan si taxadir leh loo eegin waxa gunta u ah ee sababa Xag-jirnimadda Dhallinyarradda.
“Tusaale ahaan, waxaan rumeysnahay arrimaha Somalia inuusan ku filnayn Xal Milliteri†ayuu yiri Sam Kutesa, wuxuuna intaasi ku daray in loo baahan yahay  Dowladda Federalka inay taageersato Ummadda, si loo fahmo  wadaagista Nabadda.
Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Milliteriga Uganda, Jeneral Katumba Wamala ayaa isagana taageeray Aragtida Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Uganda, Sam Kutesa ee Xal-u-helista Kooxaha Xag-jirka ee ka dhisan Qaaradda Afrika iyo Arrimaha Somalia.
Jeneral Wamala waxa uu sheegay inkastoo Hawlgalka Milliteri ee Somalia yahay wax wanaagsan, balse loo baahan yahay in laga eego Xagasha Siyaasadeed.
Waxa uu tilmaamay haddii aan Somalia loo helin Siyaasad Jiheysan  iyo Istaraatijiyad Siyaasadeed inaan wax horumar ah laga gaari Karin Dadaalka Somalia.
“Inta badan Saxaiibadda aan ku leenahay gudaha Somalia waxay rumeysan yihiin in Hawlgalka Milliteri noqon karo Xal Kama-dambeysta iyo inay Hawlgalka Milliteriga noqon karo wax xun†ayuu yiri Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Milliteriga Uganda, Jeneral Katumba Wamala
Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay haddii ay Ummadda Soomaaliyeed ka garaadsadaan Dagaalladda Beelaha, kana fekeraan Danaha Qaranka in horumar ballaaran laga gaari karo Arrimaha Somalia.
Waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay noqdaan Waddaniyiin, isagoo xusay in heerka hooseeya ee Sharci la’aan iyo Kala Dambeyn la’aan