Cabdi Wali Muudey “Diyaaraddii i qaadi laheyd ayaa loogu hanjabay in lasoo ridayo”

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaankii waqtiga ka dhammaaday ee Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa loo diiday inuu ka duulo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xili uu kusii jeeday magaalada Baraawe.

Muudeey ayaa doonayay in uu u tartamo kursi ka mid ah Golaha shacabka oo deegaan doorashadiisu ay tahay maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, waxaana uu fah faahin kaga bixiryay Shir jiraa’id oo uu qabtay galabta.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaankii waqtiga ka dhammaaday ayaa sheegay in amaka lagu joojiyay duulimaadkiisa ay ka dambeeyeen maamulka koofur galbeed oo uu sheegay in loogu hanjabay in diyaaraddooda lasoo ridi doono, sidaa darteedna ay keentay in diyaaraddu ay ka tagto isaga iyo xubihii kale ee la socday.

Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey  ayaa intas ku daray in xadgudb cad lagula kacay manta, waxaana sidoo kale uu carrabka ku dhuftay in la doonayo in kursigiisa loo xiro shaqsi gaar ah.

Guddoomiye Muudey ayaa kusii jeeday Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, si uu ugu tartamo kursiga uu ku fadhiyo oo la sheegay in loo xiray Nin lagu magacaabo Maxamedweli Cabdullaahi Sheekh.

Kursiga uu ku fadhiyo Cabdiweli Muudeey ayaa yaallo Magaalada Baraawe oo ay deegaan doorashadiisa tahay, waxaana kursiga uu ku fadhiyo Muudeey uu kamid yahay 13 kursi oo doorashadooda ka dhaceysa Magaaladaas maalmaha soo socda…

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor