Dhageyso:-Wasiirka Amniga oo shaaciyay qorsho lagu sugayo Amniga Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ducaale ayaa sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya xukuumadda Soomaaliya ay la xisabtami doonto hay;adaha Amniga.

Waxa uu sheegay in Wasaaradda Amniga ay la imaan doonto qorsho cad oo lagu sugi doobo Amniga Caasimadda,isla markaana ay ka wada hadli doonaan guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay inay dardar gelin doonaan sugida Amniga Muqdisho una Shaqeyn doonaan sidii Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay oo kale.

Hadalkaan ayaa Wasiirka Amniga waxa uu ka sheegay kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Magalada Muqdisho.

Dhageyso Codka Wasiirka Wasaaradda Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor