Wargeyska Afka dheer ee The Blid ee ka soo baxa dalkaasi ayaa qoray in 133 qofku geeriyoodeen Daadaadkii iyo Fatahaadii ka dhacday Gobalo ku yaalla Galbeedka dalkaasi.
Wargeyska oo Boliska soo xigtay ayaa qoray inay in ka badan 100- qof u dhinteen Cimilada oo xumaatay, iyadoo ugu yaraan 43 ka mid ah tiradaasi ay ku geeriyoodeen Gobalka  NORTH RINELAND PALATINATE, halka ay 90 kalena ku geeriyoodeen Gobalka kale ee  lagu magacaabo RINELAND PALATINATE.
Shaqaalaha Gurmadka iyo Milliteriga Jarmalka ayaa ka qeyb qaadanayo Hawlgalka Gurmadka ee lagu gargaarayo dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay Daadadkaasi.
Ku-dhawaad 1,300 qof ayaa lagu la’ yahay daadadka ku dhuftay Galbeedka Jarmalka, iyadoo Koronta la’aanta saamaysay 165,000 oo Macamisha Shirkadda Korontada ee WESTNETES oo ah Shirkadda ugu weyn ee bixisa Adeega Korantada ee dalka Jarmalka