Tirada dadka Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Soomaaliya oo korortay

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 139 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 12 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 29 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (92), Somaliland (33) Jubbaland (11) iyo Hirshabeelle (3) qof, 85 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 54-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 8,577 waxaa bogsootay 4,033 Ruux. guud ahaan 319 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor