Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Caawa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr 09 ee 9-ka Maarso 2021, kuna saabsan shaqo ka joojin Guddomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa shaqada looga joojiyay Guddoomiyihii Golaha deegaanka Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, waxaana wareegtada u qorneyd sidan:
Madaxweynaha maamulka Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland qodobkiisa 80-aad
Markuu arkay: Eedaymaha la xiriira ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee degmadda Boosaaso
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Cabashooyinka ka imanaya shacabka degmadda Boosaaso
Wuxuu xeeriyey:
1- Waxaa shaqada laga joojiyey Guddomiyaha Degmada Boosaaso, Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.
2- Waxaa shaqada sii wadaya Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso.
3. Waxaa la faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta.
Xeerkan waxaa uu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, waan uu saxiixay.