Maxkamaddaasi oo ay Xarunteeda dhexe ku taallo magaalladda Strasbourg ee W/bari dalka Faransiiska ayaa ku amaratay dowladda Malta inay magdhow lacageed siiyaan haweeney Soomaali ah oo lagu magacaabo Farxiyo Maxamed Jaamac,taasi oo muddo 3 sanno ah ku jirtay Xarunta lagu hayo Qaxootiga, iyada oo aan haba yaraatee codsigeeda la oggolaanin.
Maxkamaddu waxay kaloo ku amartay Dowladda Malta  inay Haweeneyda Soomaalida siiyaan lacag magdhow ah oo dhan 5,500 oo Europe (€5,500), oo isugu jirta dhibaatadii soo gaartay sannooyinka ay xirnayd iyo xanuun maskaxeedka ay qaaday xarigaas.
Maxkamadda Europe ee Xuquuqda Aadanaha waxay  caddaysay  in Farxiya Maxamed Jaamac la kulantay dhibaatooyin ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha iyo weliba iyadoo aan wax daryeel daawo ah la siinin, taasi oo xadgudub ku ah  Sharciga Malta.
Waxaa kaloo la amray Maxkamadaha Malta inay sida ugu dhaqsaha badan u dedjiyaan Kiiska Farxiya Maxamed Jaamac oo iyada dooni ku soo gashay Jesiiradda Malta bishii May ee sannadkii 2012-kii, waxayna codsatay magangelyo Qaxootinimo oo aan ilaa iyo haatan laga aqbalin.
Waxay Farxiya sheegatay xilligaasi inaysan qaan-gaarin, balse Guddiga Qaxootiga Malta waxay sheegeen inay qaan-gaartay.
Inta aysan Dowladda Malta go’aan ka gaarin Codsigeeda, waxaa loo gudbiyey Farxiyo Maxamed Jaamac  Xeradda lagu hayo Qaxootiga ee Lyster Barracks ee Hal Far, halkaasi oo ay sheegtay inay Tacadiyo iyoxaallado xun ka jiraan.
Maxkamadda The Strasbourg court waxa ku gacan-sayrtay hadalka Is-difaaca ee Dowladda Malta ee ku aadanaa in weli laga baaraan degayo Codsiga Haweeneydaas.
Dhinaca kale, Farxiyo Maxamed Jaamac  ayaa la sheegay in muddo 5 maalmood lagu haynayo Xeradda, kadibna ay Guddiga Qaxootiga ayaa go’aan ka gaarayo Codsigeeda Magangelyo-doonka.
© Xuquuqda Warbixintan waxay u dhowran tahay Radio Dalsan    Â