Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabaka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in bishii lasoo dhaafay ee Janaayo 2020 aan wax Mushaar ah la siinin Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.
Xildhibaan Fiqi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in qolo dhexe ay isku dayayso in ay goosato ugu yaraan Mushaarkii bishii janaayo ee lasiin lahaa dhamaanka Ciidanka dowladda.
Sidoo kale Xildhibaan Fiqi ayaa waxaa uu tilmaamay in warar soo baxaya ay sheegayan in Madaxda Qaranka qaarkood la tuhunsan yahay In ay lacago ka mid ah mushaaraadka ay si khaas ah (private) ugu darsadeen suuqa sarrifka lacagaha qalaad (forex), si ay faa’ido ayaga u gaar ah uga raadsadaan.
Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Mushaaraadka Ciidanka Xoogga dalka loo bixiyo sida Miisaaniyadda 2020 ugu qornayd.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi
Mushaarkii ciidamada xoogga dalka waxaa lagu soo waramayaa in aan la bixin bishii dhamaatay, uuna jiro qorshe ah in mushaar kordhintii ciidamada xoogga dalka loo sameeyey ee ku jirtey miisaanoyadda 2020 in qolo dhexe isku dayayso in ay goosato ugu yaraan mushaarkii bishii January.
Waxaa kaloo suuqa ku jirta in madaxda qaranka qaarkood la tuhunsan yahay In ay lacago ka mid ah mushaaraadka ay si khaas ah (private) ugu darsadeen suuqa sarrifka lacagaha qalaad (forex), si ay faa’ido ayaga u gaar ah uga raadsadaan, arrintaanoo noqonaysa khiyaano iyo musuqmaasuq weyn haddii sida loo sheegayo ay u dhacdo.
Ciidamada mushaarkooda sidii miisaaniyadda ugu qornayd waa In loo bixiyaa.