Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed S/guuto, Odawaa Yuusuf Raage, ayaa Maanta ka hadlay Ciidan Magaalada Muqdisho gadood ugu sameeyay mushahar la’aan, kuwaas oo ka howl-galayay Gobolka Shabeellada dhexe.
Taliye Odowaa, ayaa sheegay in Ciidanka qalabka sida ay qaateen mushaharkoodii balse ay jiraan Ciidamado kooban oo aan tirokoob marin iyo kuwo ay cilado farsamo kayimaadeen diiwaan-gelintoodii oo aysan Lacagtii gaarin.
“Dowladda Soomaaliya ee haatan jirta ayaa ah Dowladdii ugu horreysay oo muddo Labaatan Sano ah si toos ah u bixisa xuquuqda Shaqaalaha Rayidka iyo Ciidamada kala duwan ee Dalka” ayaa lagu yiri Qoraal lagu daabacay Wakaaladda SONNA.
Shalay ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka ay xirteen waddo ku dhow Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya gaar ahaan wadada ka timaada dhinaca Taalada Daljirka Daahsoon, iyagoona ka cabanayay Mushaar la’aan heysatay muddo sanad iyo 9 bilood ah.