DEG DEG:-Qarax khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Magalada Baydhabo

Wararka Radio Dalsan uu Caawa uu ka helayo Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay weerar bambaano kaas oo dhaliyey khasaaro.

Wariyayaal ku sugan Baydhabo ayaa waxa ay soo sheegayaan in weerarka bambaano lagu qaaday askari ka tirsan ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed xilli uu Goob uu biyo ka cabayay,balse la sheegay in wax khasaaro ah aysan kasoo gaarin.

Ilaa 4 Ruux oo Shacab ah kun sugnaa Goobta uu qaraxa ka dhacay ee Xaafada Onodka baydhabo ayaa lasoo sheegayaa in ay qaraxaasi ku dhaawacmeen kuwaas oo loola cararay Isbitaalka Magalada Baydhabo.

Askarigii bam gacmeedka lagu weeraray ayaa furay rasaas  taas oo aan weli la sheegin wax khasaaro ah oo ay geystay.

Xaalada Goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa hadda howlgallo baaritaan ah ka wada Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed kuwaas oo ku raad jooga dadkii ka dambeeyey weerarkaasi bambaano.

Wixii kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media