Taliyaha Guud ee Milliteriga Talyaaniga Major General Claudio Graziono iyo Saraakiil kale ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalladda Muqdisho.
Taliyaha waxa uu ugu horreyntii la kulmay Ra’isul-wasaare Sharma’arke, waxayna ka wada hadleen Xiriirka Labada Dowladood iyo Hawlaha dib loogu dhisayo Ciiddanka Qaranka.
Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka, Maxamed Cumar Carte.
Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Milliteriga Talyaaniga, waxa uu Kulan kale la yeeshay Wasiirka Difaaca, General Abdulkadir Sh. Ali Diini iyo Taliyayaasha Ciiddanka Qaranka ee Somalia.
Kulankaasi ayaa looga hadlay Xiriirka dhinaca Ciiddamadda ee Labada Waddan iyo Kaalinta ay Talyaaniga ka qaadan karaan Dib-u-dhiska iyo Qalabaynta Ciiddanka Qaranka Somalia.
Taliyaha Ciiddanka X.D.S., Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyey Dib-u-dhiska iyo guulaha ay gaareen Ciiddanka Dowladda Somalia.
Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciiddanka Talyaaniga, Claudio Graziano waxa uu ka mahadceliyey sida diiran ee loogu soo dhaweeyey magaalladda Muqdisho, wuxuuna sheegay inay Dowladda Talyaaniga garab taagan yihiin Dowladda Federalka, isla markaana ay gacan ka geysan doonaan Tababarada iyo Qalabaynta Ciiddanka iyo Soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.
© Radio DalsanÂ