Ciiddankii AMISOM ee ku sugnaa Deegaanka Ceel-Xaaji ee duleedka Marka ayaa isaga soo baxay Deegaankaasi, iyadoo aan la sheegin ujeedada ay uga baxeen.
Dadka ku nool Deegaanka Ceel-xaaji oo dhinaca Xeebta ka saaran magaalladda Marka ayaa sheegay inay Ciiddanka AMISOM ka wada baxeen Deegaanka, iyagoo u jiheystay Saldhigga Weyn ee ay AMISOM ku leeyihiin gudaha Marka Cadeey.
Ka-bixitaanka Ciiddanka AMISOM รย ee Deegaanka Ceel-xaaji waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Dowladda Uganda shaacisay inaysan Ciiddankooda ku sugan gudaha Somalia aysan wax mushaar ah helin muddo 7-bilood ah.
Dhinaca kale, Dagaalyahanno ka tirsan Xarakadda Alshabaab ayaa soo gaaray Deegaanka Ceel-xaaji, waxayna Fariisimo ka dhigteen goobihii ay ka guureen AMISOM.
Si kastaba ha ahaatee, waxaana la ogeyn inay Ciiddanka AMISOM xeellad Milliteri uga baxeen Deegaanka Ceel-Xaaji รย iyo in kale, iyadoo uu Deegaankaasi รย ku yaallo goob Istaraatijiyad leh.
รยฉRadio Dalsanรย รย รย รย