Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay ee wadahadalka Rooboow iyo Taliyaha Nabad Sugida Somaliya

Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay weli ka socda wadahadallo u dhaxeeya xubno ka socda Dowladda Somaliya iyo Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo ah musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed.

Wadahadaladaas ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ka socda taliyaha Ciidanka Nabdsugida Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen iyo Fowziya Maxamed Sheekh oo ah Gudoomiyaha Guddiga amniga ee Golaha Shacabka.

Dowladda Soomaaliya ayaa Rooboow ka dalbatay inuu yimaado muqdisho kana tanaasulo musharaxnimada Madaxweynaha koonfur Galbeed balse uu ka biyo diiday taas oo keentay in wafdi ka socda dowladda ay gaaraan Magalada Baydhabo.

Wadahadallada oo bilaawday shalay gelinkii dambe ayaanan ilaa iyo hadda jirin wax qodobo ah oo ka soo baxay,balse warar ku dhaw dhaw kulankaas ay sheegeen in maanta qodobo laga soo sari doono.

Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa maalma ka hor sheegtay in Muqtaar roobow uusan u tartami karin Madaxweynaha Koonfur Galbeed walow Muqtaar roobow uu ka dhega adeegay Go’aanka Wasaaradda Amniga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor