Xisbiga Sheekh Shariif oo Dacwad ka dhan ah Dowladda Federaalka u gudbiyay Maxkamadda Sare ee dalka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Maxkamadda Sare ee Dalka u gudbiyay Dacwad ka dhan ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa uu sheegay inay dacwad ka dhan ah Xukuumadda u gudbiyeen Maxkamadda sare ee dalka,taasi oo ku saabsan xayiraadii dhawaan dowladda saartay diyaarad uu Sheekh Shariif iyo wafdi la socday u raaci lahaayeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah xubnaha Xisbiga Xisbiga Himilo Qaran oo Shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Xisbiga uu Go’aansaday  in sharciga uu la tiigsado Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo bixisay amarkii lagu celiyay Shariif Sh Axmed.

Sidoo kale falkii  lagu xayiray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayuu Senator Ilyaas Cali Xasan ku tilmaamay inuu ahaa mid lagu tumanayo Sharciga dalka u yaalla.

Dhawaan ayay aheyd markii Sheekh Shariif  Sh Axmed iyo wafdi la socday dowladda Federalka Soomaalia saartay xayiraad xili uu deoonayay inuu u duulo Magaalada Kismaayo,isaga oo halkaas uga qeyb geli lahaa Caleemo-saarka Axmed madoobe.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media