Nin Ganacsade ahaa oo lagu dilay Magalada Muqdisho

Nin ku hubeysnaa Qoriga AK47 ayaa Gabaldhicii Caawa waxa uu Nin kale oo Ganacsada ahaa uu ku dilay qeybo ka mid ah  degmada Wadajir ee Gobolkan  Banaadir.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Kaawa-godeey ee degmadaas,waxaan Ninka la dilay qof ka mid ah dadka Xaafadaas uu ku sheegay Ciise Axmed Nuur,isla markaana uu Caanka ahaa degmada Wadajir.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Ninka dilay uu halkaasi uga furnaa Goob Ganacsi oo ah Istudio,isla markaana ninka dilay uu ka mid ahaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano(Bangarafta) kaas oo durba goobta ka baxsaday.

Dilka ka hor ayaa waxaa labadooda dhex maray muran taas oo keentay in askariga uu dilo Ninkaasi Shacabka ahaa wallow aan weli la cadeyn waxyaabaha keenay khilaafka.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa goobta gaarey,waxaana Meydka Ruuxii la dilay goobta ka qaaday eheladiisa.

Dilka Ninkaasi Ganacsadaha ahaa ee ka dhacay Wadajir ayaa ku soo aadaya xilli Galabta isla degmadaas lagu dilay Nin ka mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya welina dilalkaas kama hadlin Maamulka degmada Wadajir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media