Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah AL-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf.

Ra’iisul Wasaaraha oo Danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal walaal ah oo xilliyo adag soo garab taagnaa Soomaaliya, kana taageero dhinacyo badan oo ay ugu horreyso dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha AL-Shabaab.

Mudane Xamse oo sheegay in ay mahad u hayaan dowladda iyo shacabka Jabuuti ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay sii amba-qaadi doonto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan ee walaalaha ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor