Maamulka Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee caasimadda dalka Msaar ee Qaahira ayaa sheegay inay Rakaabka ka yimaada Somalia iyo Kenya ka baari doonaan cuddur-sidaha Dabaysha ee “The Polio Virusâ€.
Shabakadda Wararka Youm sbca ee ka soo baxda Qaahira ayaa qortay in Waaxda Dhexe ee Ka-hortagga ee Wasaaradda Caafimaadka Masar ku amartay Madaxda Waaxda Karantiilka ee Garoonka Dowliga ee Qaahira inay ballaariyaan Baaritaanka Iskiriinka ee la marinayo Dhoofayaasha ka yimaada Somalia iyo Kenya, si looga hortago Faafista Cuddurka Dbaaysha ee Polio.
Ilo-wareed ku dhow qeybta Karantiilka ee Garoonka Qaahira ayaa sheegay inay Wasaaradda Caafimaadka ka heleen Tusaalooyin la xiriira qaabka loo eegi doono Dhoofayaashaasi, iyadoo faahfaahisay in Cuddurka Dabaysha ama Polio yahay cuddur aad u faafa oo Virus leh, kaasi oo waxyeeleeya Nidaamka Maskaxda, isla markaana keeni karto inay maskaxda ku naafowdo saacado gudaheeda.
Warbixinta ayaa lagu muujiyey in Dhoofayaasha lagu soo tallaalo dalalka uu ku fafaayo Cuddurkaasi inay dhibcaha Ka-hortaga Cuddurkaasi qaatan ka hor 4 isbuuc ilaa 12 bilood ka hor intaysan ka soo degin Garoonka Caalamiga ee magaalladda Qaahira.
Ilo-wareedyada waxay xaqiijiyeen in la sameeyey Diiwaan Khaas ah ee Ka-hortagga Bolyada oo lagu qorayo Dhoofayaasha iyo Warbixin Toddobaadle ah oo loo dirayo Rakaabka taga Xarunta Agaasinka Gudd ee Karantiilka iyo Agaasinka Guud ee Kontoroolka cuddurada la is-qaadsiiyo ee dalka Masar.