Golaha Maamulka magaalladda DenvER EE Gobalka Kolarado ee dalka Mraaykanka ayaa shalay u codeeyey inay Taageero Dhaqaale siiyaan Muhaajiriinta ka soo kala jeeda Somalia iyo Ethiopia ee wajahayo in loo masaafuriyo dalalkooda.
Golaha Deegaanka ee magaalladda Denver waxay u qoondeeyey lacag dhan 200,000 oo Dolalr, si loogu adeegsado Kharajka Maxkamadaha ee lagu difaacayo dadka wajahayo Masaafurinta iyo kuwa kale ee ay ay u socdaan Hawlaha dhinaac Socdaalka.
Xubnaha Golaha magaalladda Denver ayaa is-tusaaleeyey baahida loo qabo in la taageero Muhaajiriinta iyo in la kordhiyo Kharajka loogu talagalay dhinaca Difaaca Sharciga ee dadka khatarta ugu jira in loo masaafuriyo Somalia iyo Ethiopia.