Axmed Maxamed Tareedisho taliyaha Guutada 52,aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo Baladweyne Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in  ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay u diyaar garooben dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in Maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada ay howlgallo ka wadeen deegaano ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Hiiraan isla markaana ay guul ka gareen.
Sidoo kale wax uu hadalkiisa intaas ku daray in iyaga oo ka jawaabaya hadalkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay u diyaar gareebeen in ay Al-Shabaab ku qaadaan farsiimaha ay ku leeyihiin Gobolada Galgaduud Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Shabeellaha dhexe.
Hoos Ka Dhageyso Shirkiisa Jaraa’id.