Magaalada Hargeysa ayaa Manata waxaa kulan ku yeeshay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Guddiga Golaha guurtida Somaliland, waxaana kulankaas uu ahaa mid Albaabada u xiran yihiin.
Guddoomiyaha Guddiga Golaha guurtida Somaliland oo kulanka kadib hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Wasiir Maxamuud Xasan Saajin ay u yeereen Guddiga Golaha, si ay uga hadlayaan Arrimo kala duwan.
Guddiga Golaha guurtida Somaliland ayaa Wasiirka Ganacsiga kala hadlay baciidaha lasoo geliyo deegaanada maamulkaas, saameynta dhaqaale ee Somaliland ay ku yeesheen rabashadihii ka dhacay Addis Aabab iyo Tubaako halis oo geliyay halkaas.
Wasiirka Ganacsiga oo wax laga weydiiyay Arrimo ku aadan Tubaako halis Caafimaad ku ah Bulshada oo dad ay geliyeen Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in Tubaadaas Wasaaradda Caafimaadka aysan fasaxin, isla markaana lagu celiyay Garoonka diyaaradaha oo markii hore laga doonayay gudaha Somaliland laga geliyo.