4 Askar Raashiyaan ayaa la dilay, 5 kalena waa la dhaawacay, kadib, markii lagu soo weeraray Gobalka DEYR AZUUR ee Bariga dalka Syria.
Wakaalladdaha Wararka Raashiya ayaa maanta shaaciyey in Maleshiyo hubeysan soo weerareen goob ay yaalleen Madaafiicda Goobta oo ay Milliteriga Dowladda Syria lahaayeen.
Labo La-taliyayaal Raashiyaan ah ayaa la sheegay inay isla goobta ku geeriyoodeen, halka ay 2 kalena ku geeriyootay Isbitaalka.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalak Raashiya ayaa lagu xaqiijiyey in Askarta lagu dilay weerar xalay ka dhacay Bariga Syria.
Sidoo kale, weerarkaasi waxaa lagu dilay 43 ka tirsan Maleeshiyadii weerarka soo qaaday.
Dhinaca kale, Tirada Guud ee Askarta Raashiyaanka ee lagu dilay dalka Syria waxay gaaraysaa 92-Askari.