Somaliland oo gacanta ku dhigtay Rag iyo walxaha Qarxa

Ciidanka amniga Somaliland gaar ahaan kuwa Booliska ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ee Gobolka Togdheer.

Howlgalka Ciidanka amniga Somaliland ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaasi oo looga shakiyay inay fulin rabeen weerar ka dhaca Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sarreego Guuto Maxamed Aadan Sadiiq ayaa ka hadlay howlgalka la sameeyay, waxaana uu sheegay in howlgalka lagu qabtay 13 qof oo looga shakisan yahay inay maleegayeen weeraro argagixiso.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in Booliska ay gacanta ku dhigeen hub iyo walxaha qarxa, isla markaana Ciidanka amniga ay ku raad-joogaan xubno kale oo la tuhmayo.

“Ciidamadda ammaanka Somaliland ayaa 48 saacadood ee la soo dhaafay qabtay 13 qof oo looga shakisanyahay inay maleegayeen weeraro argagixiso oo xiriir ah oo lala beegsanaayay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Booliiska ayaa sidoo kale qabtay hub iyo walxaha qarxa, ciidamadda amaanku waxay sidoo kale ku daba jiraan xubno kale oo loo tuhmayo. Hubso ciddaad ka kiraynayso gurigaaga, qolada hoteelada waxaa iga digniin ah ha hubsadaan cidday hoteelada ka kiraynayaan” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland.

Ammaanka guud ee magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Burco ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka waaweyn ee magaalooyinkaas lagu daadiyay ciidamo farabadan oo Boolis ah, kuwaasi oo baaritaano ku sameeynaya gaadiidka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media