Puntland oo shaacisay Dad hor leh oo laga helay Cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland shaacisay dad hor leh oo laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19, xili maalmihii lasoo dhaafay Maamulkaas uu digniino la xiriira Cudurka soo saarayay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 47 qof, isla markaana 6 qof kamid ah dadkaas laga helay xanuunka safmareenka ah ee COVID-19.

Dadka helay Cudurka ayaa waxaa ay da’doodu u dhexeysaa 24 sano jir ilaa 60 jir, waxaana 4 kamid ah dadka ay ku sugan yihiin Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, halka labada kale ay joogaan Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay 4 qof ka bogsaday Cudurka, Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay Puntland ayaa gaartay 411 qof, waxaa u dhintay 9 qof waxaa ka bogsaday 212 qof.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Farax Xasan oo warbaahinta dhawaan kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in toddobaadkii la soo dhaafay uu jiro sara ukac ku yimid dadka laga helayo xanuunka safmareenka COVID19.

Comments
Loading...