Saddex nin oo Somali ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda Rafcaanka ee Maraykanka, iyagoo lagu soo oogay inay bishii April ee sannadkii 2010-kii weerar ku qaadeen Markabka Dagaalka ee USS Ashland oo xilligaasi marayey Gacan-biyoodka Cadmeed ee u dhexeeya Somalia iyo Yemen.
Garsoore Raymond Jackson ayaa ku dhawaaqay in Labo ka mid ah Eedeysanayaasha lagu xukumay Xabsi Daa’im, halka Eedeysanaha 3-aad lagu xukumay xabsi 33 sanno ah, kadib, markii uu Baraayaasha Maraykanka ka taageeray Kiis kale oo Burcad-baddeednimo ahaa.
Eedeysanayaasha lagu xukumay Xabsi Daa’imka ayaa lagu kala magacaabaa C/risaaq Abshir Cusmaan iyo Maxamed Cabdi Jaamac.
Eedeysane kale oo lagu magacaabo Maxamed Cali Saciid ayaa lagu xukumay xabsi 33-sano, waxaana la sheegay in Eedeysanaha uu Baarayaasha Maraykanka ka taageeray Dacwad ku socota Eedeysane kale oo Dhexdhexaadiye u ahaa Burcad-baddeeda.
Dhinaca kale, Eedeysanayaashaasi ayaa xukunkaasi ku muteystay waxay bishii April ee sannadkii 2010-kii weerareen Markabka Dagaalka ee USS Ashland oo ay u qaateen inuu yahay Markab Ganacsi.
©Radio Dalsan