Danjiraha Maraykanka u jooga Kenya, Robert Godec waxa uu Nairobi kula kulmay Koox Dhallinyaro Somali-Kenyan ka timid magaalladda Wajeer, waxayna ka wada hadleen Falkii uu Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya oo ilaalo ka ahaa Safaaradda Maraykanka ku dilay Nin Somali-Kenyan ah oo la oran jirey Cabdi Mahad Ibraahim Xasan.
Danjire Robert Godec ayaa waqti adag ku qaatay sidii uu Dhallinyarada ugu faahfaahin lahaa qaabka uu dhacay dilka Marxuumkaasi oo bishii October 27-dii lagu hor dilay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi.
Danjiraha waxa uu beeniyey inuu jiro qorshe lagu qarinayo qaabkii uu u dhacay dilkii Marxum Cabdi Mahad Ibraahim Xasan oo 24-jir ahaa.
“Waxaa bixinaynaa Taageero, waxaana idiin ballan qaadi karaa inaysan jirin wax ay Maraykanka qarinayaan” ay uu yiri Danjiraha oo ay su’aalo badan weydiiyeen Dhallinyarada Qiiraysan ee ka timid Wajeer.
Dhallinyarada waxay ka codsadeen Danjiraha in la baahiyo Muuqaalka ay duubeen Kamerooyinka Qarsoon ee ku rakiban Safaaradda Maraykanka ee Nairobi.
Horey ayey Saraakiisha Boliska Kenya u sheegeen in Marxuumka la dilay uu Tooreey ku dooxay mid ka mid ah Saraakiisha Boliska ee Ilaaladda ka ahaa Dhismaha Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Nairobi.
©Radio Dalsan