Maxkamadda Sare ee dalkaasi ayaa laashay go’aan lagu soo masaafurin lahaa Cabdul Cabdi, kaasi oo isagoo 6 jir ahaa Qaxooti ahaan ku tegay dalkaasi.
Garsoore Richard Southcott ayaa sheegay inaan Ninkaasi loo masaafurin doonin Somalia, sida uu qorshuhu ahaa marka uu soo dhamaysto Xabsiga uu haatan ku jiro.
Cabdul Cabsi oo ah Aabe 23-jir leh gabar yar ayaa horey loogu xukumay Xabsi 5 sanno ah, kadib, markii lagu helay inuu weeraray Sarkaal Bolis inuu dhici jirey Gaadiidka oo uu si xawli ah ku wadi jirey.
Toddobaadkii hore ayey ahayd, markii uu Cabdul Cabdi la hadlay Wargeys ka soo baxa dalka Kanada, oo uu ku sheegay inuu ka walaacsan yahay in la dilo, haddii dib loogu celiyo Somalia, wuxuuna codsaday inuu doonayo inuu nolol sharaf leh gabadhiisa kula noolaado dalka Kanada.