Maanta ayaa qorshuhu aha in uu Muqdisho ka furmo shirka Madaxda dowlad goboleedyad dalka ka jira iyo dowladda Federaalka Soomaaliya balse waxaa la sheegayaa in uu dib u dhacay.
Baaqashada shirka Maanta ayaa waxaa xaqiijiyay Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa isaga oo Warabahinta kula hadlayay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde kadib markii uu soo dhaweeyay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Shirkaan oo uu horay u iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu furmo Maanta oo sabti ah ayaa sababta uu dib ugu dhacay waxa lagu sheegay in qaar ka mid ah Madaxda Maamulada aysan imaan Muqdisho.
Shalay waxaa Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan maantana waxa yimid Madaxweynaha xilkiisa lagu muransan yahay ee Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Maanta ayaa waxaa Muqdisho imaanaya madaxda dowlad goboleedyada harsan oo kala ah Madaxweynayasha Jubbaland, Puntland iyo Hir-Shabeelle.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Arrimaha Gudha Soomaaliya.