Amarkaan ayaa Al-Shabaab waxa ay ku soo rogeen Masuuliyiinta Shirkadaha Isgaarsiinta ka howlgala deegaanada ay ka maamulaan gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo sidoo kale qaar ka mid ah Shacabka.
Al-Shabaab ayaa Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta wax ay ku amreen in Taawarada Shirkadaha isticmaalaan ay yihiin kuwo aad u dheer isla markaana ay gaabiyan kana dhigaan wax aan ka badneyn 10 ilaa 12 Mitir.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa waxa ay ku amreen Shacabka ku nool deegaanada Miyiga ah ee ku dhow dhow deegaanada ay Maamulan in aysan qaadan Karin taleefoonada Gacanta in kastoo arrintaasi aysan faah faahin.
Qaar ka mid Shacabka deegaanada ay Maamulaan Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in arintaani ay saameyn weyn ku yeelaneyso maadaama taleefoonada ay u isticmaalaan adeegyo kala duwan oo dhanka nolosha ah iyo xiriirka eheladooda