Siyaasiyiin iyo NGO-yo Kenyaan lagu eedeeyey inay dib u dhigayaan Qaxootiga Soomaalida ee ku soo laabanayo dalkooda hooyo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery ayaa ka codsaday Guddiga Ammaanka iyo Maamulka ee Barlamaanka Kenya inay gacan ka siiyaan Xukuumadda Kenyadadaalkooda ku aadan sidii Qaxootiga Soomaalida ku sugan Xeryaha Dhadhaab loogu celin lahaa dalkooda hooyo.

Waxa uu tilmaamay inay Soomaali badab doonayaan inay ku laabtaan dalkooda hooyo, balse ay celinayaan Hay’addaha aan Dowliga ahayn ee NGO-yadda.

Inkastoo uusan carabaabin NGO-yadaasi, haddana waxa uu tilmaamay inay Jid-gooyo dhigayaan jidadkii lagu safri lahaa.

Waxa uu dhinaca kale sheegay inay Siyaasiyiinta Kenya waxay doonayaan inay dadka Kenyaanka isku diiwaan geliyaan inay Qaxooti yihiin si ay ugu helaan Cuntada iyo adeegyadda kale ama ay Dib-u-dejin uga helaan dalalka horey u maray.

Dhinaca kale, Xilshibaan C/llaahi Daahir oo laga soo doorto Koonfurta Wajeer ayaa sheegay inay jiraan ku-dhawaad 15-kun ilaa 50-kun qof oo Kenyan ah oo isku dhex qarxinayo Qaxootiga ku jira Xeradda Dhadhaab.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor