Qoyska Nin Soomali oo lagu dilay Britain oo saluugay Go’aanka Maxkamadda ka gaartay dilkiisa.

Qoyskaasi ayaa ku qanci waayey xukun uu Garsoore ka tirtsan Maxkamadda Old Bailey ee magaalladda London shalay ku dhawaaqay Go’aanka Dacwadda ka dhalatay dilka Marxuum Cabdi oo 24-jir ahaa.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu u geeriyooday dhaawacyada Tooreey ay ku dhufteen koox Gaangestaro ah.

Mid ka mid ah Eedeysanayaasha ku eedeysnaa dilkaasi oo lagu magacaabo Cismaan Muuse Maxamed oo 20-jir ah ayaa waxaa shalay lagu xukumay ugu yaraan 22-sanno oo Xabsi ah.

Maxkamadda waxay kaloo sii daysay Eedeysanayaal lagu kala magacaabo Khaalid Xaashi oo loo yaqaano Van Damme” o o 23-jir ah iyo Xamsa Doodi oo 24-jir ah, kuwaasi oo ka mid ahaa dadkii lagu eedeynayey inay ku lug lahaayeen dilkaasi oo dhacay bishii Augsut ee sannadkii hore.

Fowsiya Harbii oo ah Markhaatiga keliya ee goobjoogga ka ahaa markii la dilayey Marxuum Axmed Cabdi ayaa tilmaamtay inuu aragtay Eedeysane Cismaan Muuse Maxamed oo ka mid ahaa Dilayaasha isagoo gacanta ku haysta Tooreey.

Dhinaca kale, Ayaan Cabdi oo la dhalatay Marxuumka la dilay ayaa sheegtay inay Familkeeda wadno-xanuun ka qaadeen dilkaasi, waxayna intaasi ku dartay inuu Walaalkeeda hortooda ku geeriyooday.

Gabar la sheegay inuu xiriir kala dhexeeyey Marxuumka ayaa Xukunka kadib sheegtay inay naxdin darteeda istaagga ka dhacday markii loo sheegay in la dilay Axmed Cabdi.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor