• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, July 2, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

SIMHA oo Muqdisho ku qabatay tababar ku saabsan Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Isbedelka Cimilada (Sawirro)

Dalsan Editor by Dalsan Editor
November 19, 2022
in Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 6 mins read
A A
SIMHA oo Muqdisho ku qabatay tababar ku saabsan Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Isbedelka Cimilada (Sawirro)
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Muqdisho, 19 November; Dalladda Xarumaha Warbaahinnada Madaxabannaan ee Soomaaliya – SIMHA, ayaa qabanqaabisay tababar sare oo ay ka qaybgalayaan in ka badan 30 weriye oo isugu jira tifaftirayaal iyo saxafiyiin xul ah.

Tababarka oo la qorsheeyay in uu socdo seddex maalmood oo ka billaabmaysa sabtida maanta ah ayey suxufiyiintu ku heli doonaan; aqoon, aragti iyo faham gun dheer oo ku saabsan habka tebinta sheekooyinka Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Isbedelka Cimilada oo ah dhibaatooyin isku xiriirsan oo ah halis adduunku ka digayo, Soomaaliyana la daalaadhaceyso natiijooyink ka dhashay.

Kooxdan Saxafiyinta oo ka kooban ‘RAG iyo Dumar’ ayaa gebi ahaanba ka halwgala caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ujeedka Tababarka

Xasan Cali Geeseey, guddoomiyaha Dalladda SIMHA ayaa seminaarka ku qeexay mid looga golleeyahay u qareemidda dhibbaneyaasha iyo in suxufiyiinta yeeshaan awood ay ku shaandheeyaan hor-tebinnada qisooyinka qayb ahaan ka qarsoon warbaahinta ee arimaha bani’aadanimada

“Maadaama ay Soomaaliya mar walba u dhexeyso ‘daadad iyo abaaro’ oo ah laba aafo oo horseeda burbur hantiyeed, barakac bulsho, baaba’a bii’o iyo xataa dhimashada qaybaha bulshada ee nugul, sida; dumarka, carruurta iyo duqayda, ayaa waxaa ka muwaadiniin ahaan na danqinaya duruufaha iyo diifta haysata dadkeenna….labada musiibo -xilliyeed ayaa waxa ay khubarrada leeyihiin waxaa sababta ugu weyn leh bulshooyinka oo aan faham u haysan muhiimadda ay leedahay ilaalinta deegaanka iyo yareynta khatarta Isbedelka Cimilada. Sidaas awgeed weriyeyaasha oo ah codka dheer ee gaaraya guud ahaan geyiga ayey Dalladda SIMHA  garatay in la siiyo tababar xirfad-kaab ah oo noociisu yahay markii ugu horreysay” ayuu yiri, Xasan Cali Geeseey.

Taageerada Tababarka

Hawlgalka QM ee Kaalmaynta Soomaaliya iyo Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha u Xilsaaran Dowladda ayaa taabbageliyay Tababarka.

Xasan Cali Geeseey, guddoomiyaha SIMHA ayaa qabsoomidda seminaarka uga mahadceliyay dhinacyada fududeeyay.

“Haddii aan la helin taageerada taabbageliyeyaasha UNSOM iyo Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo, ma aysan suuragasheen hirgelinta hawshan”

Mas’uuliyiinta Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee dowladda u xilsaaran arrimaha abaaraha iyo gargaarka ayaa ka qaybgalay furitaanka ayaa bogaadiyay abaabulka SIMHA.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ergayga Arrimaha Abaaraha u xilsaaran Soomaaliya oo ka hadlayay seminaarka ayaa sheegay in ay filayaan in saxaafadda qaadato doorkeeda shariifka ah ee ay ugu qareemayso nafaha badbaadada u baahan.

Ka-hor iyo Kadib Tababarka

Kooxda tifaftirayaasha ah ee helay fursadda ka qaybgalka tababarka ayaa ku faraxsan inay wacaal u yeeshaan xaaladaha iyo xaqiiqooyinka halista ku ah bulshadooda.

“Marki hore, ma haysan aragti fiican oo aan ku soi gudbin karnay duruufaha isdulsaaran ee dadkeenna laakin haatan waxa aan awoodnaa in meel sare gaarsiinno codadka kuwa jilicsan si adduunka iyo dadkeennaba u ogaadaan xaaladda dhabta ah” ayuu yiri, Xasan Cali Geeseey.

Tifaftiraha Danan ayaa sheegay in sheekooyinka arrimaha bani’aadamnimada aysan keliya ahayn u doodid dhibbaneyaasha’e balse sidoo kalena ay ka mid yihiin soo saaridda curiyeyaasha dhibaatada.

“ma aha oo keliya in aan tebinno duruufaha dadka naf-badbaadinta u baahan laakin sidoo kalena waa in aan door ku yeelannaa joojinta dhibaatada, sida; duullaanka lagu hayo deegaanka” ayuu yiri, Xasan.

Tababarro kale

Guddoomiyaha Dalladda SIMHA, Mudane Xasan Cali Geeseey ayaa sheegay in tababarro kale ay dhowrka toddobaad ee soo socda ku qaban doonaan afar magaalo oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayna ka faa’iidaysan doonaa isu-geynta ku dhawaad 200 oo saxafi.

“Suxufiyiinta ku kala sugan dowlad goboleedyada oo dhan waxa aan ugu tegi doonnaa deegaamada ay ka hawlgalaan si aan u gaarno dalka oo dhan. Waxa aan rabnaa in aan u hirgelinno sida ugu dhaqsiyaha badan, si aan wadajir ugu badbaadinno nafaha’ ayuu yiri, Mudane Xasan.

Previous Post

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Dalbaday shirweyne lagu qabanayo Baydhabo

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baxdo kana hadlay Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah

June 30, 2025
Duqa Muqdisho oo Dhagax-Dhigay Waddo Laami ah oo Isku Xirta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir
Warar

Duqa Muqdisho oo Dhagax-Dhigay Waddo Laami ah oo Isku Xirta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir

June 30, 2025
Wasiirro Sare oo Soomaaliyeed oo Booqasho Shaqo Ku Tegay Tanzania
Warar

Wasiirro Sare oo Soomaaliyeed oo Booqasho Shaqo Ku Tegay Tanzania

June 30, 2025
Israa’iil oo Amartay Qax Degdeg ah oo ka dhaca Waqooyiga Qaza, Iyadoo Weerarro Cusub ay Socdaan
Caalamka

Israa’iil oo Amartay Qax Degdeg ah oo ka dhaca Waqooyiga Qaza, Iyadoo Weerarro Cusub ay Socdaan

June 30, 2025
Saraakiisha Puntland iyo Ciidamada Badda Midowga Yurub oo Kulan Istaraatiiji ah Yeeshay
Warar

Saraakiisha Puntland iyo Ciidamada Badda Midowga Yurub oo Kulan Istaraatiiji ah Yeeshay

June 30, 2025
Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhagax Dhigay Garoon, Dekad iyo Xarunta Dayax-gacmeedka ee Shabeellaha Dhexe
Warar

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhagax Dhigay Garoon, Dekad iyo Xarunta Dayax-gacmeedka ee Shabeellaha Dhexe

June 29, 2025
Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baxdo kana hadlay Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baxdo kana hadlay Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Young Motorcycle Riders Protest in Mogadishu Over Alleged Harassment and Extortion

Young Motorcycle Riders Protest in Mogadishu Over Alleged Harassment and Extortion

by Gesey Liban
July 2, 2025
0

A group of young men who make a living riding "Fekon" motorcycles staged a protest on Wednesday at the busy...

Somali Deputy PM Meets UN Deputy Chief Over Key Development Projects

Somali Deputy PM Meets UN Deputy Chief Over Key Development Projects

by Gesey Liban
July 2, 2025
0

Seville, Spain  — The Deputy Prime Minister of the Federal Government of Somalia, H.E. Salah Ahmed Jama, held a high-level...

Director of Somali Civil Aviation Speaks on Helicopter Crash at Mogadishu Airport

Director of Somali Civil Aviation Speaks on Helicopter Crash at Mogadishu Airport

by Gesey Liban
July 2, 2025
0

Mogadishu – The Director General of the Somali Civil Aviation Authority, Mr. Ahmed Macallin Hassan, has confirmed to the national...

Hassan Sheikh Urges Somali Solidarity: “Let’s Meet at the Table with Open Hearts”

Hassan Sheikh Urges Somali Solidarity: “Let’s Meet at the Table with Open Hearts”

by Gesey Liban
July 2, 2025
0

Mogadishu - President of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud. Officially concluded the celebrations of Somalia’s 65th Independence and Unity Week...

Young Motorcycle Riders Protest in Mogadishu Over Alleged Harassment and Extortion
English News

Young Motorcycle Riders Protest in Mogadishu Over Alleged Harassment and Extortion

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Deputy PM Meets UN Deputy Chief Over Key Development Projects
English News

Somali Deputy PM Meets UN Deputy Chief Over Key Development Projects

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Director of Somali Civil Aviation Speaks on Helicopter Crash at Mogadishu Airport
English News

Director of Somali Civil Aviation Speaks on Helicopter Crash at Mogadishu Airport

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hassan Sheikh Urges Somali Solidarity: “Let’s Meet at the Table with Open Hearts”
English News

Hassan Sheikh Urges Somali Solidarity: “Let’s Meet at the Table with Open Hearts”

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
New Direct Flights to Connect Somalia and Tanzania, Bringing People Closer Than Ever
English News

New Direct Flights to Connect Somalia and Tanzania, Bringing People Closer Than Ever

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Delegation in Riyadh Celebrates 65 Years of Independence with Pride and Unity
English News

Somali Delegation in Riyadh Celebrates 65 Years of Independence with Pride and Unity

July 1, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Young Motorcycle Riders Protest in Mogadishu Over Alleged Harassment and Extortion
  • Somali Deputy PM Meets UN Deputy Chief Over Key Development Projects
  • Director of Somali Civil Aviation Speaks on Helicopter Crash at Mogadishu Airport
  • Hassan Sheikh Urges Somali Solidarity: “Let’s Meet at the Table with Open Hearts”

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00