Guddoomiye Aadan Madoobe oo Dalbaday shirweyne lagu qabanayo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa bulshada iyo siyaasiyiinta ugu baaqay shir dib u heshiisiin ah oo lagu xalinaayo tabashooyinka ka dhex jira bulshada ku dhaqan deegaanada KGS.

War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye Aadan Madoobe ayuu dalbaday in Shir dib u heshiisiineed oo ay kasoo qeyb galaan siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka, Culimada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada lagu qabto magaalada Baydhabo.

Wuxuu Ujeedka shirkaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku sheegay inuu yahay mid lagu doonayo in lagu xaliyo tabasha walba oo bulshada dhex-deeda ka jirta iyo adkeynta midnimada dadka Koonfur Galbeed, kadibna laga wada qeyb galo dib u xorreeynta deegaannada Maamulka.

Ugu danbeyn Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa cid walba oo ay khuseyso arrintaan ka dalbaday inay kasoo qeyb galaan shirka, sidoo kalena ka codsaday hay’addaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka qaataan kaalintooda ku aadan shirka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Aadan Madoobe

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor