Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guleed ayaa Bulshada Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul Adxada.
Waxaa uu bulshada ugu baaqay in ay si taxadarleh ugu dabbaal dagaan Maalinta koowaad ee Munaasabadda Ciidda, maadaama uu jiro caabuqa Covid19 oo dunida saameyn ba’an ku haaya.
“Waxaan Hambalyo u dirayaa Dhammaan Ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay kale joogaan Fadliga Munaasibadda Ciid Al-Adxa. Waxaan leeyahay sanadkan sanadkiisa Ku Ciida bashbash Iyo Barwaaqo.” Ayuu yiri Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guleed.
Sidoo kale waxaa uu umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay caawiyaan dadka masaakiinta ah ee aan awoodin ay u dabbaal dagaan farxadda Ciidda, isagoo sheegay in qof waliba uu ku dadaalo sidii kala qayb qaadan lahaa farxadda masaakiinta.
Ciiddaan ayaa ka duwan ciidihii hore waxaana bulshada Soomaaliyeed sheegayaan uu jiro farqi weyn oo u dhexeeya Ciidihii hore iyo Ciiddaan maanta ay tahay maalinteeda Koowaad.