• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, July 4, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Maxay tahay sababta rasmiga ah ee ka dambeysay Is Casilaadda Axmed Macalin Fiqi?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
October 7, 2021
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 3 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiirkii Amniga Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Macalin fiqi ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay maamulkaasi, waxaana sidoo kale uu shaaciyay sababta rasmiga ah ee ka dambeysay inuu is casilo, xilli xaaladda Maamulkaasi Galmudug ay gashay waji cusub oo u eg saan-saan dagaal.

Axmed Macalin Fiqi ayaa soo saaray qoraal dheer oo uu ku faah faahiyay waxyaabaha ku qasbay inuu banneeyo Xilka Wasiirka aminiga, oo uu hayay tan iyo markii lasoo dhisay Golaha Wasiirada Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ah madaxweynaha haatan talada Maamulkaasi haya.

Waxaa uu tilmamaay in arrinta Ahlu-Sunna Waljameeca darteed uu xilka isaga Casilay, maaddaama sida uu sheegay ay Madaxweynaha Maamulkaasi isku fahmi waayen hannaanka loo wajahayo khilaafka xooggan ee hadda ka dhex-taagan maamulka Qoorqoor iyo Ahlu Sunna oo dib ugu soo laabtay degaanada Maamulkaasi, iyagoo hubeysan Ciidan Farabadanna aruursaday, sidoo kalena Qabsaday degaanno iyo magalooyin muhiim u ah Galmudug.

Axmed Macalin Fiqi ayaa Qoraalkiisa ku sheegay in Madaxweyne Qoorqoor uu u gudbiyay is casilaaddiisa, waxaana uu sheegay In Madaxweynuhu uu doortay waddada dagaalka, taasi oo keentay in uu xilka isaga dego waa sida uu qoraalkiisa ku sheegaye.

“Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya, ee uu  asagu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Waxaa uu intaas ku daray Axmed Macalin Fiqi in Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu Ciidamo farabadan ka daadgureeyay Muqdisho, si uu ugu weeraro Ahlu-Sunna, kuwaasi oo sida uu sheegay aan lagala tashan Wasaaraddiisa oo arrimaha amniga Galmduug ku shaqo leh. ”asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta GM ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn, aniguna aan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas” ayuu yiri Wasiirka iscasilay ee Galmudug.

Tan iyo markii ay Ahlu-Sunna dib isku soo hubeeyeen, waxaa soo baxay kala aragti duwanaan iyo sidoo kale khilaaf ka dhex dhashay Mas’uuliyiinta galmudug, iyado si weyn la isugu Khilafay habka loo wajahayo xoogagga hubeysan ee ASWJ, kuwaasi oo degaanno badan oo ka tirsan Maamulkaasi gacanta ku dhigay.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post

Dhageyso:- Warka Habeen Ee Radio Dalsan 7/10/2021

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

July 3, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

July 3, 2025
Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka
Warar

Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka

July 3, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda

July 3, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Iskaashi Laba Geesood ah oo Ku Saabsan Dhaqaalaha Buluugga ah
Warar

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Iskaashi Laba Geesood ah oo Ku Saabsan Dhaqaalaha Buluugga ah

July 3, 2025
Israa’iil oo ku hanjabtay Jawaab Milatari oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen kadib Gantaal laga soo riday
Caalamka

Israa’iil oo ku hanjabtay Jawaab Milatari oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen kadib Gantaal laga soo riday

July 3, 2025
Next Post

Dhageyso:- Warka Habeen Ee Radio Dalsan 7/10/2021

Hope in Sight: Hundreds in Warshiikh Receive Free Eye Treatment from Volunteer Doctors

Hope in Sight: Hundreds in Warshiikh Receive Free Eye Treatment from Volunteer Doctors

by Gesey Liban
July 4, 2025
0

Warshiikh, Somalia - In a powerful show of community-driven healthcare, a team of volunteer Somali eye doctors brought life-changing medical...

Somalia and Egypt Sign Key Memorandum of Understanding on Justice and Labour Mobility

Somalia and Egypt Sign Key Memorandum of Understanding on Justice and Labour Mobility

by Gesey Liban
July 4, 2025
0

Mogadishu, Somalia – The Council of Ministers of the Federal Government of Somalia, chaired by Prime Minister Hamza Abdi Barre,...

Council of Ministers Approves Nine Candidates for National Human Rights Commission

Council of Ministers Approves Nine Candidates for National Human Rights Commission

by Gesey Liban
July 4, 2025
0

The Council of Ministers of the Federal Government of Somalia has unanimously approved the nomination of nine candidates to serve...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

by Ilhaan
July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno...

Hope in Sight: Hundreds in Warshiikh Receive Free Eye Treatment from Volunteer Doctors
English News

Hope in Sight: Hundreds in Warshiikh Receive Free Eye Treatment from Volunteer Doctors

July 4, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Egypt Sign Key Memorandum of Understanding on Justice and Labour Mobility
English News

Somalia and Egypt Sign Key Memorandum of Understanding on Justice and Labour Mobility

July 4, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Council of Ministers Approves Nine Candidates for National Human Rights Commission
English News

Council of Ministers Approves Nine Candidates for National Human Rights Commission

July 4, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka
Warar

Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Hope in Sight: Hundreds in Warshiikh Receive Free Eye Treatment from Volunteer Doctors
  • Somalia and Egypt Sign Key Memorandum of Understanding on Justice and Labour Mobility
  • Council of Ministers Approves Nine Candidates for National Human Rights Commission
  • Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00