Shirkadda Diyaaradaha Dalka Kenya ee lagu Magacaabo Kenya Airways ayaa waxaa ay Duulimaad Toos ah ka bilaabi doontaa Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dalka Soomaaliya ka dhacay.
Arintaan ayaa timid kadib markii ay kulan wada qaateen Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulalahi Salaad Oomaar iyo Dhigiisa Kenya Mudane James taas oo lagu shaaciyay.
Soomaaliya ayaa haatan u muuqata mid Dib uga Soo kabaneysa dhibaatooyinkii ka soo gaaray dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay,waxana heshiisyo ay la gashay Shirkado Caalami ah kuwaas oo hada ka Shaqeeya Gudaha Soomaaliya.