Inta badan Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa la filayaa in Maanta ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay iga qeyb galaan Shirka uu horay u iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo.
Maanta oo ku Beegan 28 Bisha Octoper ayuu Magaalada Muqdisho ka furmayaa Shirka Madaxda dowladda iyo Madaxda Xubnaha ka ah dowladda Fedelaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa horay ugu yeeray Madaxda Maamul Goboleedyada kadib markii uu sii kordhay khilaafka Madaxda dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin Amniga,Dhaqaalaha, iyo khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex jira labada dhinac.