Cisbitaal weyn oo ay ka hawlgalayaan dhaqaatiir ajaanib iyo Soomaali ah oo  loogu magac daray  Cisbitaalka Taqasusiga ah ee Mukarama,  xarunta cusub ee cusbitaalkaan ayaa laga taaba galiyay Hotelkii hore ee loo yaqiinay Lafweyn,
Xaflad  lagu maamuusayay furitaanka cusbitaalkaasi oo ay ka soo qeyb galeen masuuuliyiin kala duwan ayaa lagu qabtay Magaalda Muqdisho aya ka dhacday Muqdisho manta
Gudoomiyaha Shirkadda Mukarama ee taaba galisay Cusbitaalka Taqasusiga ah ee Mukarama Xaaji Axmed Cali Xuseen {Axmed Beer}  oo munaasabadaasi hadal kooban ka soo jeediyay ayaa ka warbixyay qaabka loo soo agaasimay hirgalinta cusbitaalkaasi, waxaana uu dhanka kale ka sheekeeyay  hawlaha kala duwan ee ay Shirkadiisu qabato, isagoo balan qaaday inay ka go’an tahay sidii uu mar walba bulshada Soomaaliyeed ugu soo kordhin lahaa adeeg waxtar leh.
Dr. Cabdirisaaq Adhaw Duqaq oo ka tirsan takhaatiirta Ajnabiga ah ee ka hawl galayo cusbitaalkaasi iyo Dr. Axmed Xasan Tooxoow oo iyaguna ka hadlay xafladaasi ayaa ku dheeraaday ka hadalka adeegyada caafimaad ee cusbitaalku uu qaban doono, waxayna caddeeyeen in Mukaramah Hospital laga heli doono hawl kasta oo ku saabsan dhinaca caafimaadka.
Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcale, Wasiiru Dawlaha Amniga ee Galmudug C/laahi Shiino, Gudoomiye ku Xigeenka  G/Banaadir ee Arimaha Bulshada C/laahi Cilmi Ereg, maamulada cusbitaalada Carafaat, Keysaney, Xallaal iyo Shifa oo iyaguna munaasabadaasi ka hadlay  ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan furitaanka cusbitaalkaasi, waxayna u soo jeediyeen Maamulka Cusbitaalka Mukarama  talllooyin lagu horumarin karo cusbitaalkaasi.
Dad badan oo isugu jira qeybaha kala duwan ee shacbiga Soomaaliyeed ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin furitaanka cusbitaalkaasi, iaygoo ku nuux-nuuxsadey in Mukaramah Hospital  laga hirgaliyay deegaan  baahi weyn u qabay cusbitaal noocaasi oo kale ah.
Cusbitaalkaan oo la tilmaamay inay u dhan yihiin qalabkiisa caafimaad ayaa waxaa ka shaqeynaya takhaatiir Caalami ah oo isugu jirta Soomaali iyo Ajnabi, sida la tilmaamay cusbitaalkaan ayaa qeyb ka noqonaya cusbitaaladii horey uga  furnaa Magalada Muqdisho hase yeeshee waxa uu kaga horeeyaa  xagga qalabka, takhaariirta  iyo dhismaha balaaran ee cusbitaalkaasi uu helay.