Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Galabta soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Wafdiga oo ka yimid Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Wasradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Shariif Xasan ayaa ka qeyb geli doono Shirka wadatashiga dowlad goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya kaas oo la filayo in uu Maalinta Berito ah ka furmo Magaalada Muqdisho ka dib markii u iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sidoo kale waxaa Maalinta Berito ah iyo Saacadaha soo socdaba la filayaa in Madaxda kale ee Maamulada ay iyana yimaadaana Muqdisho
Hoos Ka Daawo Sawirrada Soo dhaweynta