Sawirro:-Shirka Madaxda dowlad Goboleedyada oo ka furmay Baydhabo

Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa Maanta ka furmay shir ay leeyihiin Madaxda dowlad goboleedyada dalka kajira,shirkaas oo ahaa kii labad ay yeeshaan.

Ajandaha Shirka Baydhabo oo ah midka guud ee xaaladda Siyaasada Somaliya ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah sida laga yeelaayo Khilaafka Maamul Goboledyada iyo dowladda dhexe.

Shirkaan kii ka horeeyey ayaa waxaa lagu qabtay Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose,waxana shirkaas uu kusoo aadayaa xilli khilaafka  ka dhaxeeyo dowladda Somaliya iyo amamulada qaar waxaana ka mid ah Maamulka Jubbaland iyo Maamulka Puntland oo siyaabo kala duwan hadalo ugu weeraray dowladda dhexe ee Somaliya.

Ammaanka Baydhbao ayaa aad loo adkeeyay,iyada oo martigeliyaha shirkaas ee Shariif Xasan Sheekh Aadan Maamulkiisa uu u sameeyey ciidamo gaar ah oo amniga xaqiijiya.

Dowladda Soomaaliya ayaanan weli ka hadlin shirkaas Maanta ka furmay Magaalda Baydhabo,balse waxaa la aaminsan yahay in ay kala kulmi doonto culeys siyaasadeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media