Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo dagaal maalintii 3-aad galay oo u dhexeeya Al-Shabaab iyo dad xoolo shaqato ah oo gacan ka helaya ciidamada dowladda oo ka socda inta u dhexeysa degmooyinka Moqokori iyo Buulo Burde ayaa waxa ay sheegayaan in qasaara badan uu ka dhashay dagaalka.
Ugu yaraan 17 ka tirsan Al-Shabaab iyo 10 kamid ah dadka xoolo dhaqatada ah ee dagaalka kula jira Al-Shabaab ayaa la xaqiijiyay inay dagaalka ku dhinteen sadexda maalin ee uu socdo.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka uu sii qaraaraaday isla markaana uu yahay mid aad u culus oo ay labada dhinac isku adeegsnaayan hub culus.
Ciidamada milatariga dowladda oo ku hubeysan gawaarida dagaalka iyo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa wali kusii qulqulaya aaga uu dagaalka ka socdo.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in maranaba aysan ogolaan doonin in Al-Shabaab ay awood u isticmaalaan shacabka isla markaana xoog uga qaataan xoolohooda.