Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaan Shaqaalaha Dawladda iyo kuwa gaarka ah fasaxday, waxaana Fasaxu socon doonaa muddo Saddex maalmood oo ka billaabanaysa Talaadada berri ah.
“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeenaysa munaasabadda Ciidul Adhxaa, waxay ku wargalinaysaa dhammaan Shaqaalaha Dawladda iyo kuwa gaarka ah Saddex maalmood oo fasax ah oo billaabanaysa Talaadada berri” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.
Hoos ka akhriso warqadda kasoo baxday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada