Sarkaal sare oo ka badbaaday weerar ka dhacay Magaalada Guriceel

Wararka aan ka heleyno Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Guri ku yaalla halkaas xalay lagu qaaday weerar loo adeegsaday Bamka nooca gacanta laga tuuro ah.

Guriga weerarka lagu qaaday ayaa waxaa deganaa Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka NISA ee Galmudug, kaasi oo ku yaalla xaafadda bilan gaar ahaan kasoo horjeedka Isbitaalka Qaaxada.

Rag hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen weerarkaas, iyagoo falka kadib goobta ka baxsaday, waxaana ka badbaaday Cabdullaahi Cabdi Raage oo ah Saraalka la weeraray, iyadoo xiligaasna uu ku sugnaa Gurigiisa.

Dad ku sugan Guriceel ayaa soo sheegaya in xalay mar qura gudaha Magaalada laga maqlay jugta qaraxaas, isla markaana waxaa durbo goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ee Maamulka Galmudug, welina ma jirto cid loo soo qabtay weerarkaas dhacay.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee ka dhacay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud muddo kaban 12, waxaana Sarkaal Cabdullaahi Cabdi Raage uu horey uga mid ahaa Ururkii Ahlusunna Waljameeca ee deegaanada Galmudug laga saaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media