Waxaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaarka u ah Maamulka Jubbaland lagu doortay Senetarkii labaad ee ka tirsan Baarlamaanka 11aad ee Golaha aqalka sare.
Doorasho ka dhacday Kismaayo ayaa waxaa Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa loogu doortay in uu noqdo Sneterkii labaad ee ku guuleystay Afarta kursi ee taalla Jubbaland, waxaan uu helay 73 cod, 2 xildhibaan ayaa ka aamusay, musharixii la tartamayay oo Lagu magcaabo Axmed Maxamed Jaamac ayaa ka haray tartanka.
Afarta kursi ee yaalla Jubbaland ayaa waxaa Kursi ka mid ah horay ugu guuleystay Ilyaas Badal Gaboose , waxaana uu noqday Senatarkii u horreeyay ee loo doortay Kursiga Aqalka sare Baarlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya, waxaana harsan labo kursi oo saacadaha soo aaddan lagu dhawaaqi doono Musharixiinta ku guuleysta.
Ilyaas Gaboose ayaa helay 55 cod, halka Musharaxa la tartamayay Maxamed Axmed Sayid uu helay 17 cod, kaddib doorasho ka dhacday Kismaayo oo Xildhibaannada Dowlad Goboleedka Jubbaland doorteen.
Maamulka Jubbaland ayaa noqonaya Maamulkii ugu horreeyay ee doorashadu ay ilaa iyo hadda si toos ah uga billaabatay, waxaana ilaa iyo hadda la sugaya Maamulada kale, si ay u billaabaan doorashada Xubnaha Aqalka sare, oo hor dhac u ah doorashada guud ee dalka ka bilaabatay.