Wafdi ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Cusub ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Wafdiga Wasiir Saciid Xuseen ayaa waxaa qeyb ka ahaa Agasimaha waaxda badbaadada dhirta Soomaaliya Cabdi Maxamed Xuseen, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Wasiir Saciid Xuseen Ciid.
Axmed Karaash iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan iyo sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Ayaxa.
Wasiir Siciid Xuseen Ciid iyo wafdigiisa ayaa Magaalada Garoowe u tegay dhagax dhigga xarunta la dagaalanka Ayaxa ee Soomaaliya oo laga dhisayo Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland.